Chelsea oo qorshaynaysa cayrinta tababare Antonio Conte

Image result for Abramovich and Conte

(London) 02 Nof 2017 Milkiilaha kooxda Chelsea ee Roman Abramovich ayaa isku diyaarinaya inuu shaqada ka cayriyo tababare Antonio Conte.

Sid ay baahisay Marca, Chelsea ayaa qorshaynaysa inay iska dirto tababaraha reer talyaani, laakiin waxay la sugayaan waqtiga ugu haboon si lamid ah Di Matteo kaas oo laga diray kooxda isaga oo u qaaday Champions League.

Roman Abramovich ayaa xiray dhamaan xiriirkii kala dhexeeyay tababare Conte, gudoomiyaha kooxda ayuuna ku soo koobay inuu la macaamilo, wuxuuna iska dhaga tiray inuu la hadlo waqtiyadii u danbeeyay sida lagu sheegay warbixinta.

Kooxda ayaa guul daraysatay 3-kulan horyaalka ingiriiska xiliciyaareed kan, waana bilowgii ugu xumaa ee Blues tan iyo 2003, arinkaas oo ah mid uusan la dhicin milkiilaha kooxda.

Mourinho ayaa laga diray kooxda kadib markii kooxdiisu ay guul daraysatay 4-kulan ka hor kulamada Boxing Day taas oo keentay in laga cayriyo kooxda.

Qandaraaska Antonio Conte ee Chelsea ayaa dhacaya 2019, waxaana lala xiriiriyay shaqada kooxda Blues Carlo Ancelotti iyo Maurizio Sarri.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close