AEK ATHENS VS AC MILAN: Shaxda & safafka ay fiidkii kusoo geli karaan!

(Athens) 02 Nof 2017 – Fiidkan, kooxda Vincenzo Montella ayaa kusoo noqonaysa saaxada Yurub gaar ahaan dhanka Europa League iyagoo u martiyi doona kooxda AEK Athens, iyadoo ay Rossoneri doonayso inay badiso si ay ugusoo baxdo wareegga xiga isla markaana iskaga yareeyso cadaadiska saaran kaddib natiijo xumadii dhanka horyaalka.

Dhanka Milan: Kooxda AC Milan ayaa caawa ku dheelaysa shaxda 3-4-1-2 halkaasoo uu Hakan Calhanoglu taageeri doono André Silva iyo Patrick Cutrone, iyadoo uu kayda ku bilaaban doono Suso oo aan tababarka ka qayb gelin maalmihii yaraa ee dambe woxoogaana sheeganaya. Waxaa safka 1-aad kusoo noqonaya Locatelli, Montolivo iyo Bonucci.


Dhanka AEK: Kooxda AEK Athens ayaa Milan ku wajahaysa isla shaxdeeda oo kale oo ah 3-4-1-2. Lazaros Christodoulopoulos, oo Sampdoria u dheeli jirey, ayaa lambarka buuxa taagan waxaana ka horreeya Livaja-Araujo.

SHAXDA LAGA YAABO EE LABADA NAADI

AEK Athens (3-4-1-2) – Anesthesia; Vranjes, Tzanetopoulos, Cosic; Bakasis, Simoes, Johansson, Helder Lopes; Lazaros; Livaja, Araujo.

AC Milan (3-4-1-2) – Donnarumma; Musacchio, Bonucci, Romagnoli; Borini, Montolivo, Locatelli, Rodriguez; Calhanoglu; André Silva, Cutrone.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close