Wenger oo jawaab ka bixiyay in kooxdiisu ay u dhaqaaqayso saxiixa Lemar bisha janaayo

Thomas Lemar

(London) 01 Nof 2017 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa jawaab ka bixiyay in kooxdiisu ay u dhaqaaqayso saxiixa Thomas Lemar bisha janaayo.

Wenger ayaa sheegay in bisha janaayo kooxdiisu ay iska diri doonto dhawr laacib markaasna uu arki doono inay u baahdaan Lemar iyo inkale.

Photo published for Wenger live: Kolasinac, Ospina, team news

Arsenal ayaa ku guul daraysatay dhamaystirka saxiixa Thomas Lemar suuqii xaggaaga markaas oo laacibku uu doortay inuu sii joogo kooxdiisa.

“Kuma fikirayno in Monaco aan kala xaajoono arinka Thomas Lemar” ayuu yiri Wenger oo qabtay shirka jaraa’id ee ka hor kulanka Europa League.

“Arsenal haatan waxay haysataa ciyaartoy badan, waxaa kooxda ka tagi doona bisha janaayo dhawr laacib, markaas ayaan fiirinaynaa arinkaas”.

“Sidoo kale wada xaajood ku saabsan Mahrez lama galin Leicester City” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close