Waqtiga uu maqnaanayo Sergi Roberto oo si hordhac ah loo shaaciyay

(Barcelona) 01 Nof 2017 Laacibka Barcelona ee Sergi Roberto ayaa xalay ku dhaawacmay kulankii kooxdiisu ay 0-0 la gashay Olympiacos.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in ila wareedyo Barcelona ah ay u xaqiijiyeen waqtiga uu maqnaanayo Sergi Roberto.

Laacib kaan oo dhaawac uu ka soo gaaray lugta midig ayaa garoomada ka maqnaan doona 3 ilaa 4-isbuuc.

Sergi Roberto ayaa qolka dhaawacyada ee Barcelona kula biiraya Iniesta, Dembele, Arda Turan, Rafinha iyo Vidal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close