Phil Neville oo kashifay sirta ka danbaysa guul darooyinka Chelsea

Image result for Phil Neville and Matic

(London) 01 Nof 2017 Laacibkii hore ee Everton ee Phil Neville ayaa ka hadlay guul darooyinka kooxda Chelsea.

Phil Neville ayaa rumaysan in guul darooyinka Chelsea ee xiliciyaareed kaan ay sabab u tahay iibkii ay iibiyeen Nemanja Matic.

Image result for Phil Neville and Matic

Blues ayaa Matic ku iibisay lacag dhan 40 milyan oo Ginni oo ay uga iibiyeen kooxda Manchester United.

“Sababta ka danbaysa guul daradii Chelsea ee Roma iyo kulamadii ka horeeyay ee horyaalka ingiriiska waa iibkii ay Nemanja Matic ka iibiyeen Man United” ayuu yiri Phil Neville.

“Haddii aan maamul ka ahaan lahaa Chelsea kama labalabeeyeen ilbiriqsina inaan shaqada ka eryo shaqsigii sababay bixitaankii Matic gaar ahaan kooxda oo aan la soo wareegin badalkiisa”.

“Shaqada Bakayoko ee qadka dhexe waa mid aad uga duwan tan Nemanja Matic”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close