Paulo Dybala oo jabinaya rikoorka dhanka suuqa ee Neymar

Image result for Paulo Dybala

(Torino) 01 Nof 2017 Weerar yahanka kooxda Juventus ee Paulo Dybala ayaa jabinaya rikoorka dhanka suuqa ee Neymar.

PSG ayaa kula wareegtay Neymar lacag dhan 222 milyan oo euro, isaga ayaana haatan ah laacibka ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta.

Neymar 1

Juventus ayaa heshiis cusub ka saxiixday Paulo Dybala kaas oo lagu burburin karo lacag dhan 230 milyan oo euro, wuxuuna 8 milyan ka sara marayaa lacagtii lagu iibsaday Neymar.

23 jirkaan ayaa diirada u saaran kooxaha ugu lacagta badan qaarada yurub, qorshaha ayaa ah in laacibku uu ka tago Juventus dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Paulo Dybala ayaa qalinka ugu duugay kooxdiisa heshiis dhacaya 30 June ee 2022.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close