Messi oo rumaysan in Neymar uu noqon karo badalka Ronaldo ee kooxda Real Madrid

(Barcelona) 01 Nof 2017 Lionel Messi inbadan kama walwalin in Neymar uu ku biiro PSG laakiin haataan waxaa soo baxay walwal cusub.

Xiddiga reer Argentina ayaa rumaysan in Neymar uu noqon karo badalka Cristiano Ronaldo ee kooxda Real Madrid sida ay baahisay shabakada Diario Gol.

Image result for Neymar Ronaldo

Messi waxaa shakigiisa sii xoogaynaya xiriirka fiican ee ka dhexeeya aabaha dhalay Neymar iyo madaxwaynaha Real Madrid ee Florentino Perez.

Heshiiska laacibka uu ugu wareegay PSG waxaa ku jira in laacibka uu ku biiri karo kooxda Real Madrid kuwaas oo si joogto ah ula soo xiriirayay markii uu heshiiska u saxiixayay kooxda reer France.

Neymar ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira xiliciyaareed kaan, 11 kulan oo uu u saftay kooxdiisa tartamada oo dhan wuxuu dhaliyay 7 gool.

Messi ayaa aaminsan in Neymar uu heshiis afka ah la gaaray Real Madrid isla markaana sanadaha soo aadan uu xiran doono maaliyada kooxda boqortooyada Spain.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close