Liverpool oo indhaha ku haysa goolhaye Keylor Navas

(Liverpool) 01 Nof 2017 Kooxda Liverpool ayaa indhaha ku haysa goolhayaha Real Madrid iyo xulka Costa Rica ee Keylor Navas.
Liverpool ayaa si dhaw ula socota xaalka Keylor Navas ee kooxda Real Madrid sida ay baahisay Daily Mail.
Tababare Klopp ayaa si wayn ula dhacsan qaab ciyaareedka Navas, wuxuuna u arkaa laacib ka fiican goolhayehooda haatan ee Mignolet.
Wararka ayaa intaa ku daraya in madaxwaynaha Real Madrid ee Florentino Perez uu doonayo in Navas uu ka diro kooxda dhamaadka xiliciyaareed kaan.
Hoos u dhac wayn ayaa soo wajahay qaab ciyaareedkiisa, Real ayaana u dhaqaaqaysa badalkiisa oo ah David De Gea.
Gool FM