“Daafaca Chelsea wuxuu aad u tabayaa Victor Moses.”.  – Frank Lampard

moses

(England) 01 Nof 2017. Rugcadaagii hore ee Chelsea Frank Lampard ayaa aaminsan in biyo deyska daafaca Chelsea ay sabab u tahay maqnaanshiyaha xoog wayne Victor Moses .

26 jirka ayaa ka maqan garoomada ku dhawaad saddex usbuuc kaddib markii uu garoonka ka baxay isagoo dhutinay dheeshii ay guul darada 2-1 ka soo gaartay  Crystal Palace.

“Moses waa la tabayaa,’ Lampard ayaa sidaa u sheegay BT Sport.

Victor Moses

“Conte wuxuu booskiisa u adeegsaday inuu ku daboolo Azpilicueta, Zappacosta, laakiin waxay saameynaysaa dhammaan 5-ta daafac ee dambe.

Daafaca reer Nigeria ayaa ahaa dooqa koowaad ee Conte marka ay timaado daafaca midig ee kooxda.

Chelsea oo wali ka kaban jabka Roma ayaa misane axada Stamford Bridge ku marti galin doonta macallinkoodii hore ee Jose Mourinho oo hor kacaya Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close