Ramos oo fikirkiisa ka dhiibtay in Barcelona ay sii joogto La Liga

Image result for Ramos vs Barcelona 2017

(Madrid) 31 Okt 2017 Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa fikirkiisa ka dhiibtay in Barcelona ay sii joogto La Liga iyo inkale.

Ramos ayaa sheegay inuu jecelyahay in Barcelona marwalba ay ka ciyaarto La Liga maadama ay dhadhan u yeelayso tartanka.

Wuxuu intaa ku daray inuusan garanayn sababta intabadan dadka reer Catalonia ay ugu fikirayaan inay ka go’aan Spain inteeda kale.

“Waa arin adag, way igu adagtahay inaan fahmo sababta dadka reer Catalonia badankood ay u doonayaan inay go’aan” ayuu yiri Ramos oo la waydiiyay sida uu u arko in Barcelona laga saaro horyaalka.

“Waxaan dareemayaa in gobolada Spain ay isku wada mid yihiin, waxaan doorbidayaa in Barcelona ay nala sii joogto La Liga”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close