PSG oo dhabarka ka tooganaysa Barcelona

Image result for Coutinho psg

(Paris) 31 Okt 2017 Kooxda PSG ayaa u muuqata mid niyad jab kale dhabarka u saarinaysa kooxda Barcelona oo ay kala soo wareegtay Neymar suuqii xaggaaga.

Telefoot ayaa daaha ka qaaday in PSG ay si dhab ah u doonayso in Philippe Coutinho ay ka dul qaado kooxda Barcelona.

cou

Agaasimaha ciyaaraha ee PSG ayaa London kula kulmay wakiilka Philippe Coutinho wuxuuna kala hadlay suurogalnimada laacibku uu uga garab ciyaari karo Neymar xiliciyaareedka dambe.

Suurogal uma ahan PSG inay samayso wax saxiix ah suuqa janaayo, sidaas darteed waxay ku qasbayaan Coutinho inuu sugo ilaa dhamaadka xiliciyaareed kan.

Kooxda reer France ayaa sidoo kale arinkaas ku amraysa Neymar inuu xooga saaro sidii saaxiibkiis Coutinho uu ugu qancin lahaa u soo dhaqaaqida caasimada faransiiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close