Bale oo seegaya kulanka Tottenham (Aqriso Liiska uu magacaabay tababare Zidane)

(Madrid) 31 Okt 2017 Tababare Zinedine Zidane ayaa shaaciyay liiska ciyaartoyda Real Madrid u matali doona kulanka habeen dambe ee ay la ciyaarayaan Tottenham.

Inkasta oo uu dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee Real Madrid laakiin tababare Zidane ayaa u arka in kulankaas uu yahay mid xili hore u ah isaga in la ciyaarsiiyo.

Kooxda ayaa haatan u soo duushay caasimada ingiriiska ee London ka hor kulanka ay Wembley kula ciyaari doonaan habeen dambe kooxda Tottenham.

Labada kooxood ayaa 1-1 ku kala baxay kulankii lugta hore ee lagu ciyaaray caasimada Spain.

Liiska ciyaartoyda uu u soo xushay tababare Zidane kulanka Tottenham:

Goolhaye: Casilla, Moha.

Daafac: Vallejo, Sergio Ramos, Nacho, Marcelo, Hernandez, Achraf.

Qad dhexe: Casemiro, Modric, Kroos, Llorente, Asensio, Isco, Ceballos.

Weerar: Ronaldo, Benzema, Vazquez, Mayoral.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close