ASR VS CHE 3-0….Roma oo dhulka ku jiiddey Chelsea, natiijooyinka kulamada kale + Sawirro

(Roma) 31 Okt 2017 – Kooxda AS Roma ayaa waxaa ku fillaaday 3 gool oo ay ku qaaraameen laacibiinteeda Stephen El Shaarawy iyo Diego Perotti kulan ay ku barbarteen kooxda Blues.

Labada kooxood ayaa kulankii hore ee London kulan xiise badnaa 3-3 ku kala baxay Stamford Bridge, waxayse ciyaartan Roma ka caawisay inay hoggaanka u qabato guruubkeeda, maaddaama ay barbarro noqotay kooxda Atletico Madrid.

Kooxda Roma ayaa waxaa kaydka ku bilowday Kostas Manolas oo dhaawac kasoo kabanaya, halka ay ka maqanaayeen Bruno Peres, Rick Karsdorp, Gregoire Defrel iyo Emerson Palmieri. Kooxda Antonio Conte ayaa isna la’aa Victor Moses iyo N’Golo Kante.

Natiijada kulankan ayaa waloow aysan Chelsea weli xumayn dhanka booska ay ka taagan tahay guruubkeeda CL misna waxay madmadoow gelinaysaa mustaqbalka macallin Conte marka guud ahaan la eego natiijooyinkii ugu dambeeyay dal iyo dibedba.

NATIIJOOYINKA KULAMADA KALE

Basel vs CSKA Moscow 1-2
Manchester United vs Benfica 2-0
Celtic vs Bayern Munich 1-2
Paris Saint Germain Anderlecht 5-0
Atletico Madrid vs Qarabag FK 1-1
Olympiacos vs Barcelona 0-0
Sporting CP vs Juventus 1-1
b b0 b1 b2 b3 b4 b5 b6 b8 b9 b11 b12 b13 b14 b15 b17 b18 b19 b21 b22 b23
b b1 b2 b3 b4 b5 b7 b8 b9 b10 b12 b13 b14 b15 b16 b17 b18 b19 b20 b22 b24 b25 b26 b27 b28 b29 b30

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close