Wenger oo isha ku haaya saxiixa Marc-Andre Ter Stegen

Image result for Marc-Andre ter Stegen Arsenal

(London) 30 Okt 2017 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa isha ku haaya saxiixa goolhayaha Barcelona ee Marc-Andre ter Stegen.

Express ayaa daaha ka qaaday in Wenger uu u arko goolhayaha Barcelona badalka ku haboon ee goolhaye Petr Cech.

Tababaraha reer France ayaa sidoo kale aaminsan in goolhaye David Ospina uusan awoodin inuu si joogto ah u waardiyeeyo goolka Arsenal.

Marc-Andre ter Stegen ayaa qalinka ugu duugay Barcelona heshiis ku eg ilaa 2022 bishii May ee sanadkaan, waxaana lagu burburin karaa qandaraaskiisa 180 milyan oo euro.

Ter Stegen ayaa laga dhaliyay kaliya 4-gool xiliciyaareed kaan socda tartamada oo dhan, waana mid kamid ah goolhayeyaasha ugu fiican adduunka waqtigaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close