Wenger oo FARRIIN u diray Sanchez kahor kulanka Arsenal Vs. Man City

FBL-ENG-PR-ARSENAL-WEST BROM

(London) 30 Oct 2017. Arsene Wenger waxa uu u sheegay Alexis Sanchez in uu Arsenal kula jiro HESHIIS BULSHO oo ay tahay bandhig wanaagsan in uu sameeyo kulanka Manchester City.

Sanchez oo ay da’diisu tahay 28 waxa uu ku sigtay in uu £60million ugu wareego Manchester City xagaagii dhammaaday balse Arsenal ayaa habeenkii ugu dambeeyey ee suuqa ganafka ku dhufatay dalabkaas.

Chile-yaanka waxa uu qandaraaska ka dhacayaa gabagabada ololaha 2017-18, waxaase hoos u dhac ku yimi heer ciyaareedkiisa walow Wenger walaac qabin.

Kahor kulanka Arsenal iyo City, Wenger waxa uu yiri: “Maya, walaac ma qabo maxaa yeelay kama shaki qabo badhigga ama rabitaanka guuleed ee ciyaaryahan Kubadda Cagta dheela.

“Marka aad tahay ciyaaryahan Kubadd Cag, waxaad kooxda inteeda kale kula jirtaa heshiis bulsho taasina waligey su’aal kama keenin.

“Marka aad taas qadarin weyso, wey adag tahay in la yiraahdo waxaad ciyaarta Kubadda Cagta.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close