Man City oo TAARIIKH CUSUB u dhigtay Premier League

man ci

(England) 30 Okt 2017. Kaddib guushii ay ka gaareen West Brom, Manchester City ayaa Taariikh cusub u sameysay horyaalka Premier League.

Kooxda Pep Guardiola ayaa sameysay Bilowgii ugu fiicnaa taariikhda horyaalka Ingiriiska kaddib 10 kulan ay ciyaareen.

28 dhibcood ayay la yimaadeen meel 30 dhibic laga rabay oo hal bar baro oo qura ayay galeen waxayna leeyihiin 29 gool oo nadiif ah.

5 gool iyo ka badan ayay dhaliyeen 4-kulan oo ka mid ah 10 ka ciyaar ay dheeleen oo ay ka mid tahay 7-2 ay kaga adkaadeen Stoke City.

Isla Man City ayaa heysata Rikoodhka kooxda labaad ee sameysay bilowga ugu fiican Premier League 10 kulan kaddib oo waxay sidaa oo kale sameysay 2011-12 markaa ay la yimaadeen 28 dhibcood iyo 28 gool oo nadiif ah.

Chelsea ayaa saddexaad ku jirta marka la fiiriyo bilowga ugu fiican Taariikhda Premier League 2005-06 kolkaa ay la timid 28 dhibcood 10 ka kulan ee ugu horreysa iyo 20 gool oo nadiif ah.

 Chelsea boast the third-best start to a Prem season, in the 2005-06 season

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close