Kadib Messi iyo Neymar, Daacish oo markaan u hanjabtay Cristiano Ronaldo

(Moscow) 30 Okt 2017 Kooxda la magacbaxday dowlada islaamka ayaa hanjabaad hawada u marisay laacibka xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Daacish ayaa horay sawirro hanjabaad ah ku soo bandhigtay Lionel Messi, Neymar iyo tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps.

Waxayna ku hanjabeen in dhamaan xulalka ka qayb galaya koobka adduunka ee 2018 lagu qaban doono Ruushka inay fishaan weerar uga yimaada dhankooda.

Waxay soo bandhigeen Ronaldo oo la hayste u ah iyaga waxayna ku soo dul qoreen:

“Ereyadeenu waa waxa aad arkayso ee ma ahan waxa aad maqlayso, sidaas darteed sug adigu anaguna waan sugaynaa”.

Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta Argentina ayaa maalmo ka hor la kulmay safiirka Argentina u fadhiya Ruushka, wuxuuna ka codsaday in si gooni ah loo ilaaliyo nabadgalyada Messi.

Wuxuuna yiri safiirka ruushka u fadhiya Argentina: Ha walwalina, hana ka cabsanina hanjabaada Daacish ee Messi, anaga ayaa sugayna amaankiisa iyo dhamaan amaanka ciyaartoyda xulka Argentina”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close