Wenger: Fekerkii dadka waanu beeninay

Ramsey

(London) 29 Oct 2017. Tababbaraha Arsenal – Wenger waxa uu xusay awood maskaxeedka kooxdiisa kaddib guushii 2-1 ahayd ee ay ka gaareen Swansea City.

Arsenal waxaa looga hormary gool daqiiqadii 22-aad balse waxaa qeybtii labaad u soo bar bareeyey Sead Kolasinac halka Aaron Ramsey uu guusha u xaqiijiyey.

Arsenal iminka waxa ay badisay kulankii saddexaad iyada oo gool looga hormaray, Wenger waxa uu sheegay in dhiniciisa ay dadka fikirkoodii beeniyeen sabtidii.

“Mar kale waxaan muujiyey awoodii aan ku soo laaban lahayn oo aan ku badin lahayn kulankan. Waxaan qabaa in aad dadka fekerkoodii beeninay kulankii Everton iyo Norwich maanta taasina kooxda wey uun sii xoojineysaa.” Ayuu Wenger u sheegay wariyeyaasha.

Arsenal iminka waxa ay kaalinta shanaad uga jirtaa Premier League-ga iyada oo leh 19 dhibcood iyada oo la dhibco ah kooxda kaalinta afraad ku jirta oo Chelsea ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close