EPL: Arsenal oo guul muhiim ah ka gaartay Swansea City + SAWIRRO

(London) 28 Okt 2017 Arsenal ayaa gaartay guul muhiim ah kadib markii ay 2-1 ku dhifatay kooxda Swansea City oo marti u ahayd.

Ciyaata ayaa ku bilaabatay si xiiso leh, Arsenal ayaa samaysay fursado bilowgii ciyaarta laakiin kama aysan faa’idaysan.

22 daqiiqo Sam Clucas ayaa hogaanka u dhiibay Swansea City kadib markii uu difaaca Arsenal la dhaafay kubadd uu ka helay Abraham, wuxuuna ka dhigay 0-1.

Arsenal ayaa isku dayday inay soo barbarayso ciyaarta laakiin qaybtii hore ayaa lagu kala nastay Swansea oo hogaanka ku haysa 0-1.

Qaybtii dambe, Arsenal ayaa si dardar leh ku soo gashay ciyaarta, 51 daqiiqo Kolasinac ayaa u soo barbareeyay Arsenal kadib markii uu shabaqa ku hubsaday baas uu ka helay Ozil, wuxuuna ka dhigay 1-1.

58 daqiiqo Ramsey ayaa si qurux badan u dhamaystiray kubadd uu ka helay Kolasinac, wuxuuna ka dhigay natiijada 2-1.

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday kooxda Arsenal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close