Waa kuwee Xiddigaha hogaaminaya Gool dhalinta 5-ta horyaal ee ugu waa wayn YURUB?

(Europe) 23 Okt 2017. Horyaalada ugu waa wayn Yurub, La Liga, Premier League, Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1 ayaa meelo fiican maraya isla markaana leh hogaamiyayaal dhanka goolasha ah.

PREMIER LEAGUE:

9-kulan oo la ciyaaray Premier League waxaa gool dhalinta hogaaminaya xiddiga reer England ee naadiga Tottenham Harry Kane oo xalay labo gool uga shubay Liverpool wuxuuna leeyahay 8-gool.

LA LIGA:

La Liga oo isna la ciyaaray 9-kulan waxaa gool dhalinta heysta Lionel Messi oo 11-gool sii maraya, halka xiddigii la tartamayay ee Ronaldo ay inkaar sanadkan ka heysato Horyaalka Spain.

SERIE A:

9-kulan oo la ciyaaray Seire A waxaa gool dhalinta sare u haya dhaliyaha Lazio Ciro Immobile oo ku hogaaminaya 13-gool.

BUNDESLIGA:

Pierre‑Emerick Aubameyang oo leh 10-gool ayaa hogaaminaya gool dhalinta horyaalka Jarmalka 9-kulan oo ilaa iminka horyaalka u ciyaara Dortmund.

LIGUE 1:

Xiddigii ku soo fashilmay Premier League Radamel Falcao ayaa hogaaminaya gool dhalinta horyaalka Faransiiska oo wuxuu sii cag cageynayaa 13-gool 10-kulan oo la ciyaaray:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close