Lineker oo markale gantaal ku soo riday Zidane iyo Benzema

(London) 23 Oct 2017. Kaddib markii uu Zinedine Zidane u jawaabay Gary Lineker si uu u difaaco Karim Benzema, haddana fallanqeeya reer England markale ayuu gantaal soo riday.
Gary Lineker waxa uu soo qaatay Harry Kane.
Weeraryahanka Tottenh Hotspur waxa uu laba gool ka dhaliyey Liverpool axaddii iyada oo uu Lineker ku kaftamay in Real Madrid aysan rabin saxiixiisa maadama Zidane aaminsan yahay Benzema.
Harry Kane scores again. Thankfully Zidane thinks Benzema is the best so they won’t be interested in poaching him.
— Gary Lineker (@GaryLineker) October 22, 2017
-Harry Kane kol kale ayuu dhaliyey. Mahadi haka gaartee Zidane waxa uu qabaa in Benzema yahay kan ugu wanaagsan markaa xiiso uma qabi doonaan in ay soo qaataan isaga.
Sida la wariyey Real Madrid bisha Janaayo weerarka iskama xoojin doonto bisha Janaayo taas oo fajaciso ku noqon doonta Lineker.
Gool FM.