Kylian Mbappe oo Golden Boy ku garaacay Jesus iyo Dembele

yaa

(France) 23 Okt 2017. Da’yarka ugu qaalisan kubbada cagta adduunka ee naadiga PSG Kylian Mbappe ayaa loo caleemo saaray abaal marinta Wiilka Dahabiga Golden Boy ee 2017.

Gabriel Jesus ee wacdaraha ka dhigaya Man City iyo dhaliyaha dhaawaca uga maqan Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa lagu garaacay abaal marintan.

Warbixintan waxaa saakay shaaciyay jariiradda Tuttosport oo iyadu asal ahaan bilowday abaal marinta Golden Boy.

Mbappe ayaa dhaliyay afar gool sideed kulan uu ciyaaray tan iyo sidii uu heshiiska amaahda ah uga soo tagay Monaco.

Waxaa qasab ah inay da’daadu ka yartahay 21 jir isla markaana u ciyaarto kooxaha sare ee ka dhisan Yurub si aad abaal marintan ugu tartanto.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close