“Goolkaas ma dhaliyeen Kane anoo daafaca taagan.”. Klopp oo furka ku tuuray Daacyada Liverpool!

(England) 23 Okt 2017. Tababaraha Liverpool ayaa dhaleeceeyay daafaca kooxdiisa ee sida aadka ah u liitay kulankii xalay ay guul darada daran kala kulmeen Tottenham oo ku tiirisay afar gool.
Harry Kane ayaa labo ka xareeyay halka min hal gool ay dhaliyeen Heung-Min Son iyo Dele Alli.
Klopp ayaa sheegay in ugu yaraan goolkii Kane ee bilowga ciyaarta uusan dhalan lahayn haddii uu isaga taagnaan lahaa daafaca.
“Goolka koowaad ma dhasheen haddii aan anigu garoonka ku jiri lahaa laakiin waxaan taaganahay bartanka goobta tababarayaasha anoo xiran kobaha tababarka,” Klopp ayaa sidaa yiri.
“Harry Kane ma heli karin kubbada balse waxay ahayd mid furan. Daafaca waxaa noo joogay ciyaartoy ka badan kuwa Tottenham.
“Miyaan u baahannahay inaan isku diyaarino xaalad ceynkan oo kale ah? Haa sida caadiga ah. Shaqo kasta waa cadahay balse ma aynaan sameyn, aniga halkan kama sixi karo waxa ka qaldan garoonka dhexdiisa.
“Harry Kane kubbada ma heli lahayn haddii aan ku lug lahaan lahaa xaaladan.”.
Gool FM.