Dybala oo ay xalay Kaamiradu qabatay isaga oo aflagaadeynaya Max Allegri

Dybala-1709-yellow-epa_0

(Turin) 23 Oct 2017. Waxaa curtay muran badan oo hareeyey Paulo Dybala kaddib markii ay kaamiradu qabatay isaga oo aflagaadeenaya tababbare Max Allegri.

Weeraryanaka waxaa la badalay kulankii ay Juventus 2-6 uga badisay Udinese umase muuqan mid qancisay dhaliayaha.

Waxaa la arkay isaga oo ku gunuunacaya af Spanish isaga oo eegaya halkii uu fadhiyey Allegri.

 Sky Sport Italia iyo Rai Sport dhacdadan wey wariyeen.

Hadda waxaa la dhawrayaa bal in Juventus ay tallaaco asluubeed ka qaadi doonto La Joya iyo in kale.

Ololihii tegay waxa ay kulan ganaaxday kooxdu Leonardo Bonucci kaddib markii la arkay isaga oo ku qeylinaya Allegri mid ka mida kulamadda.

Kulanka soo socda waxa ay Juve la dheeli doontaa SPAL, walow awalba kaas la nasin lahaa Dybala.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close