Baloteli oo kala xushay midda uu ku biiri lahaa Barca iyo Real

15087083002778

(Nice) 23 Oct 2017. Mario Baloteli wey xiiso galin lahayd ku biiridda La Liga, waxa uu sidoo kale kala doortay kooxda uu ku biiri lahaa kuwa ku xifaltama El Clasico.

Walow uu qiray in uusan si fudud ku xanaaqin, Baloteli waxa uu sheegay in Real Madrid tahay jihadiisa suurtagalka ah.

“Waan jeclahay Real Madrid, balse haddii Barcelona I soo wacdo  ma ooyeen,” ayuu ku kaftamay.

Baloteli sidoo kale waxa uu qiray in uu tixgaliyey ku biiridda Juventus kahor inta uusan 2013 soo raadin Adriano Galliani.

Markii hore Juventus ayaan la hadlay balse waxaan go’aansaday in aan u saxiixo Milan,” ayuu ku daray.

“Waxaan ahaa taageere Rossoneri waxaana halkaas joogay Galliani kaas oo aan is fahhanno.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close