“War wiilkeygu wuu yaryahay ee Laftiisaa booday.”. Lukuku HOOYADII

lukaku

(England) 22 Okt 2017. Hooyada dhashay dhaliyaha Manchester United ee Romelu Lukaku ayaa dhib badan ka soo martay Jirka wayn uu wiilkeeda u dhashay iyadoo warqadiisa dhalashada u soo qaadi jirtay ciyaar kasta uu dheelayo si ay u caddeyso da’diisa iyo inuu yahay mid yar oo laftiisa booday.

Laacibka reer Belgium ayaa gool dhalinta aad iminka ku arkeyso soo bilaabay yaraantiisii markuu 12-jir ahaa.

Laakiin kooxaha ka soo horjeeda ayaa intooda badan waxaa ka dhaa dhacsanaa inuu ka da’a wayn yahay.

 Lukaku's mum had to take his birth certificate along to matches

Wakiilka Lukaku oo la hadlaya Expressen ayaa yiri:

“Waxaan lahadlayay hooyadii.

“Waxey marwalba la doodi jirtay waalidiinta kale kuwaa oo aan u maleyneyn inuu jiro 12 ama 14.

“Marwalba oo uu dhaliyo 3 ama 4 gool, waxey abuuri jirtay walaac ama dood aan loo baahneyn.

 Back in Belgian opponents struggled to believe Lukaku was playing in the right age group

“Wuu waynaa jir ahaanna wuu xooganaa, Haa. Laakiin waxay ku qeylo dhaamin jireen inay da’diisu saxnayn.

“Sidaa darteed waxay soo qaadi jirtay shahaadadiisa Dhalashada.

“Wuxuu ku dhashay Belgium, balse waxay suuqa u galiyeen warar been abuur oo ah inuu ku dhashay qaarada Madoow ee Afrika.”.

Lakaku 16 gool ayuu Kooxdiisa iyo Dalkiisa u dhaliyay xilli ciyaareedkan. Balse wax gool ah wuu ku sari la’yahay saddexdii kulan ee ugu dambeysay uu u ciyaaray Manchester United.

 Lukaku has 16 goals for club and country this season

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close