Serie A: Juventus oo 10 ciyaaryahan ku garaacday Udinese + SAWIRRO

(Udinese) 22 Okt 2017 Juventus ayaa guul muhiim ah ka gaartay Udinese oo ay marti u ahaayeen xili ay ku ciyaarayeen 10 laacib, waxayna uga adkaadeen 2-6.

8-daqiiqo weerar yahanka reer Croatia ee Stipe Perica ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Udinese, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

14 daqiiqo daafaca reer Brazil ee Samir Caetano ayaa iska dhaliyay gool kaas oo ahaa kii barbaraha ee kooxda Juventus, wuxuuna ka dhigay 1-1.

21 daqiiqo Khedira ayaa madax ku dhamaystiray kubadd la soo taabtay 10 mar, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-2.

26 daqiiqo garsooraha ayaa ciyaarta ka saaray Mario Mandzukic kadib markii ay isku dheceen Ali Adnan kaas ka fel celiyay qalad muuqda oo lagu galay.

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 1-2 oo ay hogaanka ku haysay Juventus.

Udinese ayaa soo barbaraysay ciyaarta bilowga qaybtii labaad, 48 daqiiqo Danilo ayaa madaxeeyay kubadd uu soo qaaday Rodrigo De Paul, wuxuuna ka dhigay 2-2.

52 daqiiqo Daniele Rugani ayaa gool u badalay kubadd uu ka helay Dybala, Juve ayaana hogaanka ku qabatay 2-3.

59 daqiiqo Khedira ayaa markale gool u dhaliyay kooxdiisa kadib caawin uu ka helay Daniele Rugani, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-4.

87 daqiiqo Khedira ayaa dhaliyay sedexleeydiisii ciyaarta kadib markii uu shuud xoogan daba mariyay goolhayaha kubadd uu ka helay Higuain, wuxuuna ka dhigay 2-5.

Dhamaadkii ciyaarta, Miralem Pjanic ayaa gool cajiib ah ku soo afjaray ciyaarta, wuxuuna ka dhigay 2-6.

Juventus ayaa soo tiigsatay booska 3-aad ee kala saraynta jadwalka horyaalka talyaaniga, waxayna hal dhibic ka hooseeyaan Inter.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close