EPL: Tottenham oo lafaha ka dhuuxday Liverpool +SAWIRRO

(London) 22 Okt 2017 Tottenham ayaa guul wayn ka gaartay Liverpool oo marti u ahayd waxayna ugu awood sheegatay 4-1.

Ciyaartoyda Tottenham ayaa si xoogan ku bilowday ciyaarta, waxayna goolal isku xig xigay ka dhaliyeen Liverpool oo marti u ahayd.

4-daqiiqo Harry Kane ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib kubadd uu ka helay Trippier isaga oo ka farsamaystay daafacyada Liverpool, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

12 daqiiqo Son Heung-min ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kadib kubadd uu siiyay Kane, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 2-0.

Liverpool ayaa hurdada ka kacday waqtigaas, 24 daqiiqo Salah ayaa gool u soo celiyay kooxdiisa kadib dhex ka tuur cajiib ah uu ka helay Henderson, wuxuuna ka dhigay natiijada 2-1.

Dhamaadka qaybtii hore, Dele Alli ayaa hogaanka u sii dheereeyay Tottenham kadib markii uu si xoogan u shuuday kubadd ay soo celiyeen daafaca Liverpool, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 3-1.

Qaybtii hore ayaana lagu kala nastay 3-1 oo ay hogaanka ku haysay Tottenham.

Qaybtii labaad, Ciyaartoyda Tottenham ayaa halkooda ka sii waday qaab ciyaareedkooda fiican.

56 daqiiqo Harry Kane ayaa sii quusiyay Liverpool kadib markii uu shabaqa ku hubsaday kubadd uu Firmino ka soo celiyay diilinta, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 4-1.

Coutinho ayaa ku dhawaaday inuu gool u soo celiyo kooxdiisa laakiin goolhayaha iyo birta ayaa ka hor istaagay.

Dhamaadkii ciyaarta Harry Kane ayaa dhaawac ku baxay, ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 4-1 oo ay guushu ku raacday Tottenham.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close