DOOORASHOOYINKA DEGAANKA: Kakha Kaladze oo noqday duqa magaalada Tbilisi + Sawirro

(Tbilisi) 22 Okt 2017 – Laacibkii hore ee AC Milan iyo Georgia ee Kakha Kaladze ayaa noqday duqa cusub ee magaalada Tbilisi ee caasimadda Georgia.

Codadkii la tiriyay ayuu ninkan oo ka tirsan isbahaysiga talada haya ee loo yaqaanno Dream ka helay 51.1 boqolkiiba, isagoon u baahayn wareeg 2-aad oo isku celis ah, maaddaama ay nimanka ku xigaa kala heleen Zaal Udumashvili oo qaatay 17.5 boqolkiiba, iyo tartamaha madaxa bannaan ee Aleko Elisashvili oo urursaday 16.5 boqolkiiba.

Kaladze ayaa noqonaya laacibkii 2-aad ee horay usoo maray AC Milan oo siyaasadda gala iyadoo uu todobaadkii tegey sidoo kale uu George Weah usoo baxay wareegga 2-aad ee isku celiska ah ee doorashada madaxtinimadda Liberia.

b b1 b2 b4 b5 b7

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close