Ninka ugu orodka dheer adduunka oo 2018 ku soo biiri doona Kubbada Cagta

us

(Jamaica) 21 Okt 2017. Ninka ugu orodka dheer adduunka ee Usain Bolt ee dhawaan isaga fariistay orodada ayaa ka dhawaajiyay inuu kubbada cagta ku soo biiri doono 2018.

Bolt ayaa marar badan horey uga hadlay rabitaankiisa ku aadan inuu maalin uun ciyaaro kubbada cagta heerkeeda caalami.

Laacibka taageera Manchester United ayaa daaha ka rogay inuu doonayo inuu ciyaaraha ku soo biiro sanadka soo socda maadaama uu soo gaaray dhaawac muruqa ah.

“Haa, Waxaan jeclaan lahaa inaan ciyaaro kubbada cagta iminka waa ka fariistay ordada,” 31 jirka ayaa sidaa u sheegay FIFA.com.

“Waxaan arrinkaa inbadan uga hadlay wareysiyada la ila yeeshay, dalaybada kooxo badanna waa I soo gaareen.

“Nasiib darro, dhaawac muruqa ayaa I gaaray bishii August, tan iyo markaana ma awoodin inaan wax tababar ah sameeyo. Waxaan rajeynayaa inaan kulamo ciyaaro 2018.”.

Wiilka reer Jamica ayaa waayihiisa orodada ku soo gabogabeeyay inuu ku guuleystay 8-jeer ciyaaraha Olympicada iyo waliba 11 jeer uu ku guulestay bilada dahabka ee World Championship.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close