Marco Verratti oo daaha ka rogay sababtii uu u sii joogay PSG

Image result for Verratti

(Paris) 21 Okt 2017 Marco Verratti ayaa aad loola xiriiriyay Barcelona suuqii xaggaagan laakiin ugu danbayntii laacibka ayaa sii joogay kooxdiisa.

Xiddiga reer talyaani ayaa sheegay in PSG uusan u sii joogin lacag darteed, wuxuuna xaqiijiyay inay jiraan kooxo u soo bandhigay 100 milyan oo euro.

Verratti ayaa cadeeyay inuu naftiisa ku qanciyay inuu sii joogo kooxdiisa PSG maadama ay qurxoontahay inuu koobab kula guulaysto kooxdiisa.

“Markii ugu horaysay shan sano kadib ayaan naftayda waydiiyay inay haboontahay inaan sii joogo halkaan? laakiin go’aankeyga waxaan ku soo afmeeray inaan sii joogo” ayuu u sheegay L’Equipe.

“Go’aankaas wax xiriir ah lama lahayn lacag, waxaa jiray kooxo ii soo bandhigay 100 milyan oo euro si aan ugu biiro”.

“Haddii aan runta ka hadlo waxaan ku fikiray inaan raadiyo loolan cusub iyo himilo ka duwan tii hore, kadib waxaan ogaaday in hal wax oo aan halkaan kula guulaysto inay iiga fiicantahay koobab kale oo aan meel kale kula guulaysto, sidaas darteed waxaan go’aansaday inaan iska joogo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close