EPL: Man City oo sii dheereysatay hogaanka horyaalka kadib guul ay ka gaartay Burnley +SAWIRRO

(Manchester) 21 Okt 2017 Manchester City ayaa sii dheereysatay hogaanka horyaalka kadib guul ay ka gaartay Burnley oo marti u ahayd, waxayna ugu awood sheegatay 3-0.

Ciyaartoyda Burnley ayaa difaac adag kala hortagay kooxda Manchester City oo looga bartay maalmihii u danbeeyay goolal badan.

30 daqiiqo garsooraha ayaa gool ku laad ku abaal mariyay Bernardo Silva kadib markii qalad uu ku galay goolhayaha.

Sergio Aguero ayaana gool u badalay rigooradii loo dhigay kooxdiisa isaga oo ka dhigay natiijada 1-0.

Qaybtii hore ayaana lagu kala nastay 1-0.

Qaybtii dambe City ayaa isaga fatahday shabaqa Burnley, 73 daqiiqo Otamendi ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kadib markii uu madaxeeyay kubadd Sane uu ka soo laaday koornada, wuxuuna ka dhigay natiijada 2-0.

2-daqiiqo kadib Sane ayaa shabaqa dhex dhigay kubadd farsamaysan oo uu ka helay De Bruyne, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 3-0.

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 3-0 oo ay guushu ku raacday City, guushaan ayaa gaarsiisay dhibicdii 25-aad.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close