EPL: Huddersfield Town oo guul daro dhabarka u saarisay Man United +SAWIRRO

(Huddersfield) 21 Okt 2017 Huddersfield Town ayaa guul daradii ugu horaysay ee horyaalka xiliciyaareed kaan dhabarka u saarisay Man United oo marti u ahayd, waxayna ku garaacday 2-1.

Wiilasha tababare Jose Mourinho ayaa ku bilowday ciyaarta qaab liita, waxayna iska khasaariyeen fursado badan.

28 daqiiqo Aaron Mooy ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Huddersfield Town kadib markii uu si xoogan u laaday kubadd uu soo tufay De Gea, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

 Aaron Mooy opens the scoring for Huddersfield

 Mooy reacts quickest to score from David De Gea save

33 daqiiqo Laurent Depoitre ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kadib markii uu ka tagay goolhaye De Gea, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 2-0.

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku haysay Huddersfield Town.

 Lauren Depoitre takes advantage of Victor Lindelof howler

 Injured Phil Jones was replaced by Victor Lindelof

Qaybtii labaad, ciyaartoyda United ayaa isku dayay inay iska soo gudaan goolasha looga hormar qaybtii hore.

kadib fursado badan oo ay iska khasaariyeen, Rashford ayaa gool u soo celiyay kooxdiisa kadib kubadd uu ka helay Lukaku, wuxuuna ka dhigay natiijada 2-1.

 Marcus Rashford pulled one back for United but it was not enough

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 2-1 oo guul daro ay ka soo gaartay kooxda tababare Jose Mourinho oo haatan hogaanka horyaalka looga haayo 5-dhibic oo nadiif ah.

 Wagner and Mourinho embrace before kick off

 David De Gea looks to the the skies in despair

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close