EPL: Chelsea oo guul soo daahday ka gaartay Watford +SAWIRRO

(London) 21 Okt 2017 Chelsea ayaa guul soo daahday inbadan ka gaartay kooxda Watford oo marti u ahayd, waxayna ku maquunisay 4-2.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xiiso leh, Chelsea oo u baahnayd guul ayaa si dar dar leh ku soo gashay garoonka.

12 daqiiqo Pedro ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Chelsea kadib markii uu si fiican u dhamaystiray kubadd uu ka helay Hazard, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

Chelsea ayaa isku dayday markale inay sii dheereysto hogaanka ciyaarta laakiin uma suurogalin.

dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta, Abdoulaye Doucoure ayaa niyad jabiyay taageerayaasha Blues kadib markii uu goolka barbaraha u dhaliyay kooxdiisa Watford.

Qaybtii hore ayaana lagu kala nastay 1-1.

Watford ayaa si dar dar leh ku soo gashay qaybtii labaad ee ciyaarta, 49 daqiiqo Pereyra ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib markii uu shabaqa ku hubsaday kubadd ka timid Richarlison, wuxuuna ka dhigay 1-2.

71 daqiiqo Batshuayi ayaa u soo barbareeyay Chelsea kadib kubadd uu ka helay Pedro, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 2-2.

87 daqiiqo daafaca reer Spain ee Azpilicueta ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa, wuxuuna ka dhigay natiijada 3-2.

Batshuayi ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa waqtigii lagu daray ciyaarta kadib kubadd uu ka helay Bakayoko, wuxuuna ka dhigay 4-2.

Ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 4-2 oo ay guushu ku raacday kooxda tababare Antonio Conte.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close