Wakiilka Karim Benzema oo beeniyay wadahadalada Arsenal

Image result for Benzema Arsenal

(Madrid) 19 Okt 2017 Wakiilka weerar yahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu wadahadal kula jiro Arsenal.

Waxaa la baahiyay in Karim Benzema uu wadahadal kula jiro Arsenal inkasta oo bil ka hor uu saxiixay heshiis cusub.

Laakiin wakiilka laacibka ayaa sheegay in Karim Benzema uu ku faraxsanyahay kooxdiisa Real Madrid.

“Karim Benzema aad ayuu ugu faraxsanyahay Real Madrid, heshiis cusub ayuu u saxiixay kooxdiisa bishii hore mana doonayo inuu baxo” ayuu yiri wakiilka laacibka reer France.

Benzema ayaa u saxiixay kooxdiisa heshiis dhacaya ilaa 2021 oo lagu burburin karo hal Bilyan oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close