“Waan caawinayaa Mbappe si lamid ah sidii uu ii caawiyay Messi” – Neymar

Image result for mbappe Neymar

(Paris) 19 Okt 2017 Neymar ayaa sheegay inuu caawinayo da’yarka reer France ee Kylian Mbappe kaas oo waqti yar ka hor ku biiray PSG.

Xiddiga reer Brazil ayaa sheegay in Kylian Mbappe uu u caawin doono si lamid ah sidii uu isaga u caawiyay Messi markii uu ku cusbaa Barcelona.

Image result for mbappe Neymar

Kylian Mbappe ayaa dhaliyay gool isaga oo caawiyay midkale kulan xalay kooxdiisu ay 4-0 uga adkaatay kooxda Anderlecht.

“Waxaan rajaynayaa in Mbappe aan u caawiyo sidii Messi uu iigu caawiyay Barcelona” ayuu yiri Neymar.

“Xiddiga reer France waa laacib fiican waana xirfadle xaqiiqi ah, waa suurogal inuu hormar sameeyo isla markaana uu noqdo laacibka ugu fiican adduunka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close