Navas iyo Varane oo seegay tababarkii saaka ee Real Madrid ka hor kulanka Eibar

Image result for Navas y Varane

(Madrid) 19 Okt 2017 Tababare Zidane ayaa helaya war uusan ku farxin kadib markii ay saaka seegeen tababarka kooxda ciyaartoy muhiim ah.

Goolhaye Navas iyo daafaca reer France ee Varane ayaa saaka seegay tababarkii Real Madrid ay isugu diyaarinaysay kulanka axada ay soo dhawaynayaan Eibar.

Labadaan laacib ayaa tababar fudud ku qaatay hoolka jirdhiska ee kooxda, shaki ayaana ku jira inay taam u noqon karaan kulanka axada.

Kovacic, Gareth Bale iyo Carvajal ayaa sidoo kale ka soo kabsanaya dhaawacyo kala duwan oo horay u soo gaaray.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close