Nasser Al-Khelaifi oo si kooban uga hadlay baaritaanka lagu haayo isaga

Image result for al-khelaifi

(Paris) 19 Okt 2017 Milkiilaha kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa markii ugu horaysay ka hadlay baaritaanka ku socda isaga.

Nasser Al-Khelaifi ayaa lagu wadaa baaritaan ku aadan inuu laaluushay xoghayihii hore ee FIFA si beIN Sport ay u hesho xuquuqda tabinta ee koobka adduunka sanadaha 2018, 2022, 2026 iyo 2030.

Image result for al-khelaifi beIN SPort

43 jirka reer Qatar oo la hadlay Canal+ ayaa yiri:

“Balan ayaan leeyahay 25-ka bishaan October, markaas waxaan la hadli doonaa saraakiisha reer Switzerland, warka oo dhan waa intaas”.

Nasser Al-Khelaifi ayaan faah faahin badan ka bixin inuu laaluush adeegsaday si warbaahintiisu ay u hesho xuquuqda tabinta koobka adduunka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close