Man United oo wadahadal heshiis kordhin ah la furtay Jose Mourinho

Jose-Mourinho-633733

(Manchester) 19 Okt 2017 Tababare Jose Mourinho ayaa wadahadal heshiis kordhin ah la furay kooxdiisa Manchester United.

Qandaraaska Mourinho ee Man United ayaa dhacaya xaggaaga 2019, kooxda ayaana doonaysa inay ka saxiixdo heshiis cusub.

jose-mourinho_fh5qa36yvfia191t15cdjnggk

ESPN ayaa baahisay in tababare Jose Mourinho iyo maamulka Man United ay bilaabeen wadahadal ku aadan qaabkii loo kordhin lahaa heshiiska u dhexeeya labada dhinac.

Jose ayaa horay u sheegay in waayihiisa tababarenimo uusan ku dhamaysan doonin Man United.

Waxaana lala xiriiriyay kooxda lacagta badan ee PSG oo doonaysa inay ku badasho Unia Emery.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close