“Ma rumaysan karo waxa uu samaynayo Salah” – Michael Owen

Image result for Owen on salah

(Liverpool) 19 Okt 2017 Halyeeygii hore ee kooxda Liverpool Michael Owen ayaa la dhacsan qaab ciyaareed Mohamed Salah.

Laacibka reer Masar ayaa ka soo dhaqaaqay suuqii xaggaagan kooxda Roma, wuxuuna sifiican ula qabsaday qaab ciyaareedka kooxda Liverpool.

Image result for Owen on salah

Michael Owen ayaa ku amaanay Salah inuu yahay laacib orod badan isla markaana aan la rumaysan karin fursadaha uu abuurayo.

“Mohamed Salah waa laacib aad u caqli badan, Reds nasiib ayeey ku leedahay haysashadiisa” ayuu yiri Owen.

“Waa laacib orod badan, ma rumaysan karo fursadaha uu abuurayo halkii kulan, sifiican uma dhamaystiro weerarka laakiin wuxuu abuuraa fursado badan”.

“Wuxuu sugay inuu yahay saxiix lagu faa’iiday, marnaba shaki kuma jiro awoodiisa” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close