Hazard: Ma aqaan ujeedkuu ii bedelay Conte xalay

Hazard

(London) 19 Oct 2017. Eden Hazard waxa uu sheegay in uusan ka war qabin sababta dhalisay in Antonio Conte uu ka saaro dheesha qeybihii dambe.

Laacibka u dhashay Belgiu laba gool ayuu dhaliyey kulankii 3-3-da ku dhamaaday balse 10 daqiiqo oo ay ciyaartu ka harsan tahay ayaa waxaa bedelay Willian.

Qeybo ka mida tarbuunka Chelsea ayaa go’aankan dhalleeceeyey waxa ayna hore ugu edeeyeen Willian bandhig xumo, balse Hazard waxa uu sheegay in uu aqoon ujeedka badalkiisa.

“Ma garanayo, ma garanayo. Waxaan qabaa in mararka qaar uu tababbaraha ila rabo keydka marka dheesha dhammaato”, ayuu yiri.

“Wixii aan awooday oo dhan ayaan sameeyey, hadda ayaan ka soo laabtay dhaawaca, markaa waxa uu gaaray go’aankiisa.

“Marka qaar qofka garoonka soo galaya ayaa dhaliya goolka, markaa waxba arintan kama qabo.”

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close