Arturo Vidal oo ku dhaw inuu dib ugu laabto horyaalka talyaaniga

Image result for Vidal inter

(Milan) 19 Okt 2017 Laacibka reer Chile ee Arturo Vidal ayaa qorshaynaya inuu isaga tago kooxdiisa haatan ee Bayern Munich.

Arturo Vidal ayaa ogolaaday inuu ku biiro kooxda Inter Milan suuqa kala iibsiga ee bisha janaayo sida ay baahisay TuttoSport.

Vidal 1

Inter ayaase ku qasban inay iska iibiso mid kamid ah ciyaartoydeeda si ay uga fogaato jabinta sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub.

Kooxda tababare Spalletti ayaa isku dayday saxiixa laacibkii hore ee Juventus suuqii xaggaaga laakiin tababarihii hore ee Bayern Munich Carlo Ancelotti ayaa hor istaagay in la dhameeyo heshiiska.

Inter ayaa iska iibinaysa suuqa janaayo Marcelo Brozovic si ay u hesho Arturo Vidal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close