“Waxba Fassone Kubadda Cagta kama yaqaan”.

marco_fassone_crotone-milan_getty_images

(Milan) 12 Oct 2017. Agaasimaha guud ee kooxda Catania Pietro Lo Monaco waxa uu weerar qayaxan ku qaaday dhiggiisa Milan Marco Fassone waxa uuna ku tilmaamay mid aan waxba “Kubadda Cagta”, ka aqoon.

Lo Monaco waxa uu u warramay Raadiyaha Incontro Olympia iyada oo axadda loo ballansan yahay kulana adag ee Derby della Madonnina.

“Inter – Milan waa kulan aad u dhadhan wacan, Derby hareer mara saadaasha,” ayuu yiri.

Waxaa jira warar sheegaya in la ruqseyn doono Vicenzo Montella hadiiuu guuldarreysto kulankan isaga ooh ore khasaaro kala kumay kooxaha Lazio, Roma and Sampdoria.

“Fassone waxba kama yaqaan Kubadda Cagta, markaa waxa uu abuuraa xasarad isaga uu xaaladda ku cakirinaya tababbare hibo leh sida Montella,” ayuu yiri Le Monaco.

“Derby-ga, kooxda wax walba halis galin doonta waa Milan, iyada oo ay ku soo fool leedahay is bedel maamul.

“Inte, dhinaca kale, waxa ay haysaa dhabbe caadiga ah oo leh dhib iyo dheefba.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close