Taageereyaasha oo u codeeyey in Ronaldo ku guuleysan doono Ballon d’Or-ka sanadkan

(Madrid) 12 Oct 2017. Kaddib codeyn ay qaaday Majaladda Marca oo ay ku aragti dhiibanayeen taageereyaasha aqrista cidda u qalanta hanashada Ballon d’Or-ka sanadkan, la yaab ma noqon in uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay Cristiano Ronaldo.
Isniintii ayaa lagu dhawaaqay liiska dheer oo ay ka buxeen xiddiggo u sharraxan abaalmarintan.
Tiro xoogan oo boqoley noqoneysa 64% waxa ay aaminsan yihiin in jaa’isada uu u qalmo Cristiano Ronaldo kaddib olole guulaha badnaa ee sanadkan soo maray.
Booska ku xiga waxaa qaatay Lionel Messi oo helay 26% cododka.
Isoc waxa uu helay 2% halka ay by Sergio Ramos, Neymar, Luka Modric, Toni Kroos iyo Kylian Mbappe ay wada heleen miid 1%.
Dadka codeeyey tiradooda waxa ay le’ekeyd 5,500.
Gool FM.