Karim Benzema oo diyaar u ah inuu dib ugu soo laabto Real Madrid

ben

(Madrid) 12 Okt 2017. Karim Benzema ayaa maanta tababarka la qaatay Cristiano Ronaldo, Isco iyo xarfaanta kale ee Real Madrid isagoona diyaar u ah inuu dib ugu soo laabto garoomada.

Tababarkii maanta ayaa ahaa kii ugu horreeyay usbuuca uu tababare Zidane heysto ciyaartooy buuxda uu la shaqeeyo.

Soo laabashada Benzema ayaa dooqyo badan siineysa weerarka Real Madrid inkastoo aysan weli taam ahayn Goolhaye Keylor Navas, Dani Carvajal, Gareth Bale iyo Mateo Kovacic.

Los Blancos ayaa sabtida la ciyaari doonta Getafe, dhaliyaha reer France ayaana heysta labo maalmood si uu u caddeeyo taam ahaanshihiisa.

Karim Benzema ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo bishii September, Real Madrid ayaana ku dhibtooneysay dhanka weerarka tan iyo markaa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close