HORDHAC: Elman vs Heegan….(Semi-final ka Jenaraal Daa’uud)

elman

(Muqdisho) 12 Okt 2017. Kulan xiiso badan ayaa galabta ka dhici doona Garoonka Banadir Stadium kaa uu u dhaxeeya kooxaha Elman iyo Heegan waana kulan qeyb ka ah wareega Afar dhamaadka ee Tartanka General Daa’uud.

Kooxda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan kulankii ugu Dambeyay waxey la soo ciyaartay kooxda Banadir Sports Club kulan ku soo dhamaaday 4-2 ay guusha ku raacday Banadir balse Nasiib wanaag Heegan ayaa farqi goolal ku soo baxday halka kooxda Elman ay ciyaartii ugu dambeysay guul ka soo gaartay kooxda Horseed Cawo iyo Maalin.

Heegan ayaa sanadkii 2014-15 Final-ka tagtay wallow laga qaaday kooxdan waxaa ka fara maruujisay Naadiga Horseed.

ge

Ciyaartan waxaa ka maqnaan doona kooxda Heegan xidigaha kala ah Mahad Yare iyo C/raxmaan kuwaaso aruursaday Jaalooyin.

Dhanka kale kooxda Elman waxaa ciyaartan Tarbuunka ka daawan doona xidiga khadka dhexe kooxda Xaajow kaaso isaga ugu maqan labo Jaalo.

Labadan Kooxod ayaa lagu tiriya kuwa ugu awooda Badan horyaalka dalkeena Soomaaliya.

Ogeysiis Kulanka:

Tartanka: General Daa’uud

Kooxaha: Elman vs Heegan

Garoonka: Banadir Stadium

Saacada: 3:00

W/D: Cabdifitaax Nani.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close