Dilaalka Ozil oo qiraalkan sameeyey

Ozil

(London) 12 Oct 2017. Wakiilka Mezut Ozil Erkut Sogut waxa uu sheegay in si wacan uu ku socdo wadahadallada qandaraaska kordhinta ee kalyantigiisa iyo Arsenal.

Laacibka reer Germany waxa uu qandaraaska uu kula jiro Gunners ka dhacayaa xagaaga dambe, Goal waxa ay fahansan tahay in Manchester United iyo Barcelona ay daneenayaan.

Xaaladda qandaraaska Ozil ee aan la damaanad qaadi Karin iyo xoriyadda uu u leeyahay in uu la xaajoodo kooxaha dibadda ayaa keentay in hadda Arsenal ay heshiis cusub u soo bandhigaan.

Goal waxa ay fahansan tahay in ay xulasho furan tahay in Ozil uu la sii joogo Arsenal kana duwan tahay xaaladda Alexis Sanchez oo ay ka go’an tahay in uu bilaash uga tago 2018-ka.

Besiktas ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa xiddiggii hore ee Real Madrid balse wakiilkiisa waxa uu qiray in Ozil ku faraxsan yahay maqalka xiisaha kooxda reer Turki balse ay hadda ka go’an tahay in uu baaqi ku ahaado Premier League-ga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close