Tababaraha xulka qaranka Brazil oo sheegay magacyada seddex dal ee ugu dhaw hanashada K.A ee 2018

(Brazil) 11 Okt 2017 Tababaraha xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa saadaal ka bixiyay xulalka ku guulaysan kara koobka adduunka ee 2018 la qaban doono.

Xulka Brazil ayaa xalay reebay xulka Chile kadib markii ay uga adkaadeen 3-0, Tite ayaana ka xumaaday inay reebaan mid kamid ah xulalka ugu kubadda fiican Latin America.

Tite ayaa sheegay in xulalka Brazil, France iyo Germany ay yihiin xulalka ugu awood badan isla markaana looga cabsan karo koobka.

“Brazil waa mid kamid ah xulalka u sharaxan ku guulaysiga koobka, marka la fiiriyo kubadda ay ciyaarayso, qaab ciyaareedka iyo waliba natiijada” ayuu yiri Tite.

“Waxaan ku guulaysanay inaan isku darsano tartan iyo kubadd qurxoon, waa adagtahay inaad isku darsato guul iyo kubadd qurxoon, magaranayo inaan u qalano koobka laakiin waxa ay samaynayaan ciyaartoyda waa wax aan ku faani karo”.

Tite ayaa sheegay in xulkiisa ay soo wehliyaan xulalka France iyo Germany oo haysta ciyaartoy da’yar oo fiican.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close