Robben oo isaga fariistay ciyaaraha kaddib markii uu xulkiisa Holland ka haray Koobka Adduunka

(Europe) 11 Okt 2017. Arjen Robben ayaa ka dhawaajiyay inuu gabi ahaan isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah kaddib markii uu xulkiisa Holland ka haray koobka adduunka ee 2018 lagu ciyaari doono dalka Ruushka.

Natherlands ayaa xalay Sweden uga adkaatay 2-0 balse waxaa laga rabay inay ku adkaadaan 7-0 si ay u soo baxaan.

Xiddiga Bayern Munich ee Robben ayaa dhaliyay labada gool uu xulkiisa ku adkaaday isagoona ciyaarta kaddib sheegay inuu iska laalay kobaha ciyaaraha caalamiga ah.

“Waa waqti fiican inaa masuuliyada ku wareejiyo jiilka soo socda,” Robben ayaa sidaa yiri.

“Waxay ahayd habeen qiiro leh. Ciyaarta ka hor waan ogaa inay noqon doonto kulankeygii ugu dambeeyay mana ahayn mid sahlan.

“Dhinac waxaan ka doonayay inaan ku raaxeysto kulanka laakiin waxaan kaloon doonayay inaan diirada saaro ciyaarta maxaa yeelay waxaan doonay inaan ku macsalaameeyo kulan aad u fiican.

“Waan faraxsanahay inaan u ciyaaray sidii aan u ciyaaray isla markaana dhaliyay labo gool kulankana aan guuleysanay. Taasi waxay ahayd waxa kaliya oo aan sameyn karnay.

Robben wuxuu xulka Holland u dhaliyay 37 gool 96 kulan uu ciyaaray wuxuuna sameeyay 29 caawin ah.

SAWIRRO:

rooo

Robben embraces Holland head coach Dick Advocaat after the match against Sweden

The 33-year-old waves farewell to the Dutch supporters inside the Amsterdam Arena

The winger was pictured close to tears before and after his last game for Holland

Robben scored twice on Tuesday night as Holland beat Sweden in Amsterdam

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close