Philippe Coutinho oo ku cadaadinaya kooxdiisa inay u fasaxaan ku biirida Barcelona

cou

(Liverpool) 11 Okt 2017 Philippe Coutinho ayaan wali ka rajo dhigin ku biirida kooxda reer Spain ee Barcelona oo uu horay ugu fashilmay ku biirideeda.

Mundo Deportivo ayaa baahisay in Philippe Coutinho uu ka codsaday maamulka kooxdiisa in loo ogolaado ku biirida Barcelona marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee bisha janaayo.

Maamulka Liverpool ayaan wax dhib ah u arkin in Coutinho uu ku biiro Barcelona laakiin waxay doonayaan in la soo gaarsiiyo dalabka ay doonayaan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Barcelona aysan ku bixin doonin bisha janaayo 110 milyan oo euro laacib aan u ciyaari karin Champions League.

Philippe Coutinho ayaa Liverpool u ciyaaray xiliiyaareed kaan koobka horyaalada yurub, umana suuroobayso inuu u ciyaaro koox kale xiliciyaareedkaan gudihiisa.

Barcelona ayaa laga yaabaa inay isku daydo saxiixa Philippe Coutinho dhamaadka xiliciyaareed kan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close